Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo Khudbad dheer oo uu kaga hadlay xaaladda dalka jeediyay waxa uu dul istaagay Xorriyadda Dalka, Amniga, Doorashada, ku tiirsanaanta Beesha Caalamka, u hoggoonsanaanta Dastuurka iyo qodobo kale.
Nasiib darro ayuu ku tilmaamay in Soomaaliya oo xuseysa 60-sano guurada Madax banaanideena meel waliba ay joogaan Ciidamo kala ilaalinaya Soomaalida dhexdeeda.
Si loo helo kalsooni waxa uu shuruud kaga dhigay Madaxweyne Axmed Madoobe isku calool furnaanta Soomaalida dhexdeeda, maadaama sababta AMISOM dalka ay u joogaan ay tahay kala ilaalinta Dadka sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale Axmed Madoobe waxa uu la hadlay Madaxda Dowladda iyo Laanta Xeer dajinta oo uu ugu baaqay in ay dhowraan dastuurka oo ah waxa isku hayo xiligaan oo ay heshiis ku yihiin.
“U hooggaansan la’aanta Dastuurka waa abuurista dhibaatooyin, waxa aynu ognahay wixii lasoo maray oo aan wanaagsaneen in dib loogu laabto dagaal Sokeeyo, Fowdo iyo kala dambeyn la’aan, Madaxda DFS waa in ay dhowraan Dastuurka” Axmed Madoobe.