Xukumada Jabuuti oo lacag badan ku siisay Telefishanada Somaliland sidii ay u baahin lahaayeen Barmaamij indho sarcaad ah, oo indhaha lagaga jeedinaayo Shacabka Reer Jabuuti.
Xukumada Jabuuti ayaa lacago badan ku siisay, qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland gaar ahaan Telefishanada ku midoobay. Ururka SIBA, sidii ay indhaha uga jeedin lahaayeen kacdoonka ay wadaan shacabka Jabuuti. Ee ay ku diidan yihiin dulmiga iyo tacadiga mudada dheer soo jiray ee ay kala kulmeen xukunka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle
Lacag gaadhaysa laba Milyan oo dollar (2 Million Dollar) oo loo soo dhiibay suxufiyiin waaweyn oo reer Somaliland ah ayaa lagu amray in ay heshiis la galaan Telefiishanada si ay u sameeyaan Barnaamij lagu sheegay waxqabadka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, barnaamijkaasi oo ka soo bilaabmaya tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Geelle 1999 ilaa 2020.
Barnaamijkan ayaa loo qorsheeyay in lagu diyaariyo xarunta Bulsho Tv, ka dibna loo kala diro dhamaan telefishanada kale ee heshiiska lala galay.
Suxufiyiinta dilaalinta ah ee hawshan hormoodka ka ah waxa ay kala yihiin.
- Cali Axmed Raabi (Cali Seenyo) Mulkiilaha Saab TV
- Cabdirashiid Maxamed Caateeye Mulkiilaha Badda Cas TV
Maalmihii la soo dhaafay waxa ragan dilaalinta ah ee uu soo dirsaday Madaxweyne Geelle shirar kula lahaayeen magaalada Hargeysa, mulkiilayaasha Tv-yada madaxbanaan ee ka hawl gala magaalada Hargeysa, iyo sido kale dhalinyarada Suxufiyiinta ka ah baraha bulshada (Face-book iyo Youtube)
Barnaamijkan oo ah mid indho sarcaad ah waxa ujeedada ugu weyni tahay sidii looga jeedin lahaa dareenka shacabka reer jabuuti ku diidan yihiin, maamulka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Barnaamijkan indha sarcaadka ah ee lagu bixinaayo lacagta badan waxa ujeedadiisu tahay sidii taageero loogu raadin lahaa xukumada Madaxweyne Geelle, oo haatan shacabka Reer Jabuuti kacdoon iyo diidmo kala horyimaadeen.
Madaxweyne Ismaaiil Cumar Geelle oo xukunka qabtay sanadki i 1999, Waxa uu shacabka reer Jabuuti uu geystay dhibaatooyin badan oo xaga nolosha ah, muwaadiniin badan oo reer Jabuuti ah ayaa ku xidhan xabsiyada Jabuuti, kuwaas oo xabsiyadana loogu gaysto jidh Dil iyo garaacis joogto ah
Mulkiilaha Saab Tv. Cali Seenyo. ayaa dhowrkii cisho ee la soo dhaafay waxa uu mashquul ku ahaa sidii uu u samayn lahaa Barnaamij indho sarcaad ah oo lagu sheegay waxqabadka Xukumada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxana Tv. Walba loo balan qaaday in la siin doono. Boqol kun oo dollar (100.000) marka uu sii daayo Barnaamijka.
Lacagtan oo ah cashuurtii ay bixiyeen shacabka reer Jabuuti , ayaa halkii ay ahayd in wax loogu qabto waxa Maamulka Geelle ka door biday in uu ku laaluusho warbaahinta Somaliland.
Waxa aan halkan idinku soo gudbinaynaa liiska Tv-yada lala galay heshiiska in ay sii daayaan barnaamijka indho sarcaadka ah ee laga diyaariyay waxqabadka Madaxweyne Geelle.
- Saab Tv.
- Badda Cas Tv.
- Bulsho Tv.
- Sahan Tv.
- Eryal tv.
- SBC Tv.
- Khaalid Foodhaadhi. (facebook)
- Faysal Aadan Fifa (facebook)
Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa.
[email protected]