Maamulka Hirshabeelle ayaa diiday qorshe ay Dowladda Federaalka ciidamo Boolis gaar ah ku geyn lahayd magalaada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo Khadka Taleefanka kula hadlay madaxweyne Farmaajo oo u gudbiyay cabasho ka dhan ah Xukuumadda Kheyre oo damacsan iney ciidamada Haramcad ku geyso magaalada Jowhar,xilli ay soo dhowdahay doorashada maamulkaas.
Waare ayaa u sheegay madaxweyne in xaalad amni ee magaalada Jowhar iyo guud ahaan deegaanada Hirshabeelle ay wanaagsan tahay una baahneyn xilligan ciidamo Boolis oo ka baxsan kuwa maamulka uu leeyahay,wuxuuna ka digay in arrintaas xasilooni daro ay abuurto.
Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in Xukuumadda Kheyre ay dooneyso iney ciidamada HARAMCAD ka dejiso magaalada Jowhar si ay u adkeeyaan amniga xilliga doorashada,waxaana arrintaas si weyn u diidan maamulka Hirshabeelle.
Dowladda Federaalka ayaa magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya geysay ciidamada Haramcad kuwaas oo lagu boobo doorashooyinka laguna soo saaro shaqsiga ay Dowladda rabto.