RW Xasan Cali Kheyre oo maalmihii la soo dhaafay socdaal ku joogay Caasimadda dalka Qatar waxa uu la kulmay Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka dalkaasi, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin C/raaxmaan Bin Jaasim Al-thani.
Qoraal la soo dhigay Barta Xafiiska RW Kheyre ayaa lagu sheegay inay labada dhinac ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka soo-jireenka ee Somalia iyo Qatar iyo Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Amniga.
Dowladda Qatar waxay ka mid tahay Dowladaha taageeradda ugu badan la garab taagan DFS, inkastoo ay Hoggaamiyayaasha Mucaaradka si kulul ugu eedeeyaan Dowladda Qatar inay galaangal xooggan ku leedahay Arrimaha Somalia.