Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cadaadiskii ugu weynaa saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi C/llaahi, kadib markii uu ku baaqay shir ay isugu yimaadaan madaxda dowladda, Maamul Goboleedyada iyo daneeyayaasha siyaasadda si looga heshiiyo Doorashada dalka kana horyimid qorshe siyaasadeed dhowr ah oo ay horboodeysay Villa Soomaaliya.
Ciidamo ka tirsan ilaalada madaxtooyada ayaa lagu wareejiyay guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay guddoomiyaha golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi,waxaana la kala diray ciidankii Booliska ee ilaalada ka ahaa guriga guddoomiyaha.
Amar ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa ciidanka lagu geeyay guriga Cabdi Xaashi,waxayna taas keenay khal khal amni iyo mid siyaasadeed.
Cabdi Xaashi,guddoomiyaha golaha Aqalka sare oo aan la dhacsaneyn sida ay wax u wadaan madaxda Qaranka ayaa ka qeyb gelin xafladii lagu xusayay sanad guuradii 60-aad ee ka soo wareegatay xoriyadda gumeystihii dalka,taas oo inta badan Qaranka goobjoog ay ka ahaayeen.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan gaara ugu yeeray Guddoomiyaha Aqalka Sare isagoo ka dalbaday inuu a laabto baaqii uu soo saaray iyo inay wada shaqeeyeen labada aqal si loo meel mariyo Qorshaha Doorashada ee Guddiga ay madaxda u tahay Xaliimo Yarey, kulanka oo lagu kala tegay (Halkan ka akhriso)
sababta kale ee Gudoomiyaha Aqalka Sare cadaadiska lagu saaray ayaa ahaa abaabulka Mooshin ka dhan ah go’aankiisa, kaasoo uu abaabulay Senator Cabdiwaaxd Cilmi Goonjeex, kaasoo isna ay adkaatay in loo helo senatooro, balse qorshahaasi mid aan laga tanaasulin.
Senatarada Aqalka sare ayaa hadda ku kala qeybsamay sharciyada horyaala,maadama qaarkood ay taabacsan yihiin madaxtooyada Soomaaliya.