Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen Sh/Hoose.
Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada sida gaarka ah tababaran ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Gorgor oo is-kaashanaya.
Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda oo ka warbixiyey howl-galladaasi ayaa sheegay in si gaar ah uga sameeyeen deegaanada Shaam, Yuumbis Nuur-Gare, Buulo-Bashiir, Mubaarak iyo Toora-Tooroow oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay burburiyeen goobo kala duwan oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanadaasi, kadibna ay ka soo furteen saanad ciidan.
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo la xariira dhaq-dhaqaaqyadaasi.
Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.