Cumar Maxamed Macalin Mudanaha laga soo doortay Bariga Mandheera oo Warbaahinta la hadlay waxa uu qalqal gelin ku eedeeyay in ay sameynayaan askarta uu wato Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Waxa uu sheegay in beelo badan ay degen yihiin ismaamulka oo marar badan isku dhac dhexmaray, sidaas awgeed ay suuragal tahay in ay hubka ka iibsadaan ilaalada Wasiir Janan dibna uga adeegsadaan dagaalka dhexdooda.
Cumar ayaa soo jeediyay in ay Ismaamulka Mandheera laga saaro Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan iyo Askarta la socoto oo garab ka helaya Dowladda Kenya.
Sababta go’aankaas ay usoo saareen waxa uu ku tilmaamay in ay ku ilaalinayaan nabadgalyada Magaalada iyo deegaannada kale ee xeeran, kagana fogaanayaan isku dhacyada beelaha walaalaha ah.
Dhawaan Askarta Wasiir Janan waxaa lagu eedeeyay in ay dhac iyo kufsi ka geysteen Magaalada Mandheera, inkasta oo aan jirin war kasoo baxay dhanka Cabdirashiid Janan oo uu kaga hadlayo eedeyntaas.
Laamaha ammaanka Kenya waxa ay si cad u sheegeen in ay hayaan shaqsiyaad hubka ka iibinayay dadka deegaanka, walow aysan tilmaamin in hubkaas ay ku lug leeyihiin Askarta Wasiirka Amniga Jubbaland iyo in kale.