Magaalada Muqdisho waxaa ka socda abaabulka dibadbax lagu taageerayo kuraasta matalaadda ah ee Gobolka Banaadir oo ay ku yeelanayaan 13-xubnood golaha Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaannada golaha Shacabka ayaa saddex cisho soo gaba-gabeeyay doodad Mudanayaasha oo ugu dambeyn ay u codeeyeen, sidaasina ku ansaxay maadaama aqbaliyad ay ku meel mariyeen.
17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir waxaa xalay ka socday diyaargarowga iyo diyaarinta dadka ka qaybgalaya isu soo baxaan taageerada loogu muujinayo 13-ka Kursi Caasimadda ay ku yeelaneyso Golaha Aqalka sare.
Ilo xog ogaal ah ayaa Mustaqbal u sheegay in dibadbaxa ay ka qaybgali doonaan mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya gaar ahaan maamulka Gobolka, Siyaasiyiin taageersan, Odoyaal iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka.
7-dii bishaan, isu soo bax ay dhigeen dad ka kala yimid 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir waxa ay kusoo dhaweeyeen Codsigii Madaxweyne Farmaajo uu Baarlamaanka kaga dalbaday in matalaad lagu siiyo Caasimadda.
Dhankakale Dadka banaanbaxa ka hadlay ayaa codkooda ku biiriyay dalabka Madaxweynaha DFS ee 6-dii June, waxaana xigay in 7-xubnood la shaaciyay in la siiyay Gobolka Banaadir, balse dood dheer kadib Xildhibaannada waxay ku kordhiyeen 6-xubnood.