Waxaa si xawli ah Magaalada Gaalkacyo uga socda wareejinta gaadiidka dagaalka iyo maleeshiye beeleedyo ku sugnaa deegaanadaan oo ka mid noqonaya ciidamada loo xaraynayo In ay ka mid noqdaan ciidamada daraawiishta Galmudug.
Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey gaadiidkaas iyo maleeshiyaadkii saarnaa oo ku xaroon doona xerada tababarka Insha Qaris ee dhacda duleedka Gaalkacyo. Munaasabaddaan ayaa wasaa sidoo kale Goobjoog u ahaa wasiiru Dawlaha madaxtooyada Galmudug.
Maalmaha soo socda ayaa wasaaradda amniga waxaa u qorshaysan In maleeshiyaadka deegaankan ku sugan oo idil la xareeyo.