Kulan maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxa iskugu yimid Xubnaha HirShabelle iyo Federaalka ku jira Ee Beel ka mid ah Kuwa Degga Gobolka Hiiraan.
“Waxaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay mas’uuliyiinta Beesha Gaaljecel ku metela Labada Gole ee Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha Barlamaanka MG Hirshabelle, kulankaan ayaa diiradda ku saarnay horrumarinta saameynta siyaasadeed ee Beesha iyo sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen isbedelka siyaasadeed iyo mid doorasho ee dalka.
Mas’uuliyiinta:
Senator Naima Ibrahim Yusuf
Xildhibaan Maryan Harun
Xildhibaan Abdullahi Shaacir
Xildhibaan Daahir Amin Jeesow
Guddoomiye Osman Barre Maxamed
Waxay sheegeen Beeshani inay Dawlada ku garab joogaan Hanaanka iyo Heykalka Dawladnimada ay ka qeyb qaadan doonaan.