Todobaadkii hore weerar mindi loo adeegsaday ayaa ka ka dhacay magaalada Reading oo dhanka galbeed kaga beegan magaalada London.
Weerarkaas ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid dad badan soo xasuusiyay inaysan weli dhammaanin cabsida laga qaba weerarro argagixiso.
Balse halkuu ku dambeyay dagaalkii ka dhanka ahaa argagixisada ee uu iclaamiyay madaxweynihii hore ee Mareykanka, George W Bush 2001? Weli ma socdaa? Haddii uusan soconinna, ma laga guul gaaray mise lacag unbaa lagu khasaariyay?
Ku dhowaad 19 sano oo laga soo wareegay tan iyo markii weerarka lagu qaaday Mareykanka 11 bishii September ee 2001-dii, kumannaan ciidan oo dalkaasi ka soo jeeda ayaa weli waxaa saldhig u ah Ciraaq, Afqaanistaan iyo geeska Afrika.
Duqeymo dhanka cirka ah ayey ka fuliyaan goobalada dalal badan oo dunida ka mid ah iyagoo bartilmaamedsanayo shakhsiyaad looga shakiyay inay ka tirsanyihin kooxaha argagixiso ah.
Waxa aad loo kordhiyay dhaqaalaha dalalka ugu talagaleen la dagaalanka arggagixisada si looga hortago khatarta amni ee dunida ka jirta.
Sasha Havlicleck, oo madax ka ah machadka Strategic Dilogue oo arrintan si dhow ula socotay tan iyo marki uu soo ifbaxeen weeararada argagixiso ayaa sheegtay inu farqi weyn u dhaxeeyo hadalladii la jeedin jiray iyo xaqiiqda jirta.
”Balse waxay taasi meesha ka baxday markii uu xilka qabtay madaxweyne Barack Obama sanadkii 2009, laakin waxyaabo badan oo xeelada laga baddeli karay ayaa jiray. Xukumaddi Obama waxa lagu yaqaanay inay sare u qaaday weerarada dhanka cirka ah ee dalalka Afqaanistan iyo Pakistan. Waxay ila tahay inay jiraan aragti ballaaran oo ah in ay hoos usii dhaceyso. Waxaa kale oo aan aragnay in hawgalka la dagaalanka argagixisada ee Mareykanka in la sii ballaariyay.
Mid ka fog in uu dhammaaday
Khaladaad dhanka siyaasadda oo la galay ayaa jiray inkastoo madaxweyne Obama uu dib u eegis ku sameeyay. Xarigga boqolaal qof oo looga shakiyay hawla argagixiso oo aan maxkamad la geynin oo lagu xiray xabsiga Guantanamo, dad la tuhmay oo indhaha laga xiray, loona soo duuliyay xarunta sirdoonka Mareykanka ee CIA, halkaas oo su’aalo lagu weydiiyo.
Ambasdar Sales oo katirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxaa uu sheegayaa “adduunka uu waxbadan ka bartay in waxyaabihii laga guul gaaray iyo kuwii lagu guul dareystay, waxyaabihii laga bartayna waxay qeyb ka yihiin qabka hadda aynu arrinta u wajaheyno”.
Waxaa kale oo uu sheegay in uu ka carooday dadka dhaliila xabsiga Guantanamo kuwaas oo ay kamid yihiin xulafada Mareykanka ee iska indha tiray in ay qaataan muwaadiniintooda ku go’doonsan xeryaha Suuriya.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ay dib ula noqdan mywaadiniintooda
Way adag tahay in laga sal gaaro kharashka adduunka uga baxay dagaala ka dhanka ah “la dagaalanka argagixisada” balse ugu badnaan waxaa lagu qiyaasaa 1 tiriliyan oo doolar.
Inta badan lacagahan ayaa loo adeegsado tallaabooyin milateri oo Mareykanka uu qaaday, balse waxa kale oo jirta in qeyb yar oo kamid ah lacagtaas loo adeegsaday ka hortag.