Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 49 Juun 27, 2020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Mudug
Markuu arkay:Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
C/ladiif ayaa hore usoo noqday Xildhibaan Katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo Sanadkii hore 2019 mar uu noqday Afhayeenkii Kumeel gaarka ahaa Ee Madasha Xisbiyada Qaran Ee Shariif Sheekh Axmed Hogaamiyo.