War Saxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) ayaa lagu muujiyey inay walaac xoogan ka qabaan Hadal-jeedintii Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka, Xaliimo Yareey iyo muddo-kororsiga ay DFS ku haminayso.
War-saxaafadeedka waxaa lagu muujiyey in Horusocodka dalka iyo Wadajirka Ummadda ku timid, kuna socon doonto Qabsoomida Doorashooyinka marka la gaaro muddo Xilligeedka uu Dastuurka dalak oggol yahay oo ah afartii sano mar.
Dhinaca kale, War-saxaafadeedka MXQ laguma soo hadal-qaadin Ansixintii Xeerka Matalaadda Gobalka Banaadir ee Aqalka Sare ee BFS oo ay Xildhibaanadda Golaha Shacbiga ee BFS shalay ansixiyeen.
Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka: