Danjiraha Ururka Midowga Europe u jooga Somalia, Ambassador Nicolas Berlanga wuxuu sheegay inay EU-da ku biirayso Bogaadinta QM ee Guddiga Doorashada Madaxa Bannaan iyo Guddoomiyaheeda oo shalay soo bandhigay Nidaamka Doorasho ee ka dhici karta Somalia.
Qoraal uu Danjiraha soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxa uu Bogaadinta kadib sheegay in ay aad u adkeynayaan baahida loo qabo Isafgarad Siyaasadeed oo asaas looga dhigayo Furitaanka Saaxadda Siyaasadda (laga soo bilaabo Xulasho ilaa Doorasho) iyo Xilliyeynta Doorashooyinka.
Dhinaca kale, Danjiraha Ururka Midowga Europe u jooga Somalia, Ambassador Nicolas Berlanga waxa uu tilmaamay inay EU-da muddo dheer Iskaashi la lahaayeen Somalia iyo in si tartiib ah loo hirgeliyo Nidaamka Doorashada.
Waxa uu intaasi ku daray in Xulashada March 2021-ka ay macquul tahay farsamo ahaan, Dhaqaale ahaan aad uga kharaj badan, kuna wanaagsan in lagu midoobo Heshiisyada Asaasiga ee la isla oggolaaday.
Si kataba ha ahaatee, Hoggaamiyayaasha iyo Saamileyda Siyaasadda Somalia ayaa laga filayaa inay Heshiis Wada-oggol ka gaaraan hadba Nidaamka Doorasho ee la qaadanayo iyo Xilliga la qabanayo Doorashooyinka, inkastoo aysan fari ka qodnayn in si fudud looga heshiiyo Nidaamka Doorashada ku laran Muddo-kordhinta DFS.