Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaa gacanta kusoo dhigay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo Duhurnimadii Masanta halkaas si bareer ugu dilay qof shacab oo kamid ahaa dadka deegaanka.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ee ku sugan halkaas ayaa sheegay in Askariga dilka geystay lasoo qabtay, kadib markii uu baxsaday falka kadib, isagoo laga soo qabtay gudaha Magaalada oo uu ku dhuumaaleysanayey.
Dad ku sugan Dhuusamareeb ayaa Warbaahinta waxaa u sheegeen in dilka loo geystay qofka shacab ahaa uu sigaar ah uga dhacay agagaarka Xarunta Xaafada waaberi, waxaana dilkaas uu ka dambeeyay, kadib markii Marxuuma iyo Askariga uu soo kala dhex-galay muran gooban.
Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa horey uga dhacay dilal ay geysteen Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo falka kadib baxsaday, hayeeshee markii dambe lasoo qabtay lana horgeeyay sharciga.