Guddoomiyaha maxkamadda sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha Somailand, Mudane Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku dhaariyey labadii xubnood ee Komishanka doorashooyinka ka dhinnaa ee ka socday labada xisbi mucaarid ee Ucid Iyo Waddan.
Labadan xubnood ee komishanka doorashooyinka ka dhinnaa oo ay todobaadkan gudihiisa ansixiyeen golaha wakiillada Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah, si ay u gudo galaan una buuxiyeen kaalintooda xubinnimo ee mudada bannaanayd, horena ka bilaabaan shaqooyinka loo igmaday ee bulshadu ka sugayso
Madasha dhaartu ka dhacday goobjoog ka ahaa gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee Ucid iyo Waddani, Mudane Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe), Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere).
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta lasoo afjaray Khilaafkii ka dhex taagnaa Guddiga doorashooyinka Qaranka