Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka kula jira Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay Dowladda Iiraan taageerto waxay soo bandhigeen Shixnad Hub ah oo ay bishan 17-dii ku qabteen Dooni laga leeyahay dalka Iiraan.
Telefishinka Alarabiya ee Sacuudiga laga leeyahay ayaana soo bandhigay Doonida iyo boqolaal Hub kala duwan.
Doonidaasi oo ah mooca Alwaaxa laga sameeyo waxaa lagu qabtay meel ka baxsan magaalladda Mokha ee dalka Yemen.
Dowladda Iiraan waxay Hubka ku soo raraan Dooni nooca Alwaaxa, maadaama uusan Raadaarka qaban karin Doonyaha noocaasi ah.
Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga waxay sheegeen in Doonida ay qabteen 12 maalmood ka hor ay muujinayso inay Dowladda Iiraan ku xad-gudbayso Cunaqabataynta Hubka ee ay QM ku soo rogtay Kooxda Xuutiyiinta Yemen.