War Saxaafadeed ay si Wadajir ah u soo saareen Xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Somalia waxay bogaadinayaan Hadal-jeedintii Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka (NIEC), Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yarey” ee ay bishan June 27-dii ka jeedisay Golaha Shacabka ee BFS, ee ay ku soo bandhigtay Nidaamka Farsamo ee lagu qaban karo Doorasho Hal qof iyo Hal Cod ah.
Beesha Caalamka waxay ka mahad celiyeen Khudbad-jeedintaasi ku aadan Jadwalka Shaqo ee suurtogalka ah si loo qabto Doorasho, waxayna hoosta ka xariiqeen sida loogu baahan yahay inay Hoggaamiyayaasha Siyaasadda yeeshaan Wada-xaajood loo dhan yahay, si loo gaaro Heshiis ballaaran oo suurtogal ah oo ku aadan Mowduucan muhiimka ah.
War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu muujiyey muhiimadda Wada-xaajood iyo Is-faham dhamaystiran oo ay Hoggaamiyayaasha DFS iyo kuwa Dowlad-gobaleedyada yeeshaan.
Dhinaca kale, Xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Somalia waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan Casuumaadii uu Madaxweyne Farmaajo ku shaaciyey Kulanka ay DFS iyo dhamaan Hoggaamiyayaasha Dowlad-gobaleedyada bisha soo socota ee July 5-da ilaa 8-da ku yeelan ddoonaan magaalladda Muqdisho.
Waxay ku booriyeen inuu Kulankaasi noqdo Tallaabadii xigtay ee Wada-tashiga ballaaran ee Daneeyayaasha muhiimka ah.
Beesha Calaamka waxay kaloo ugu baaqeen dhamaan Hoggaamiyayaasha Soomaalida inay sida ugu dhaqsaha badan Heshiis uga gaaraan Wadiiqadii lagu qaban lahaa Doorashooyinka Qaran iyo Ahmiyadaha kale ee Qaranka
War-saxaafadeedka waxaa si wadajir ah u soo saaray Dowladaha iyo Ururada Caalamiga ee daneeya Arrimaha Somalia, kuwaasi oo kala ah: QM, Ururka Midowga Afrika, Urur-gobaleedka IGAD, Ururka Midowga Europe iyo Dowladaha Maraykanka, Britain, Turkiga, Norway, Faransiiska, Finland, Ireland, Talyaaniga, Japan, Netherlands, Sweden, Switzerland, Denmark, Uganda iyo Ethiopia