Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay weerar hoobiyeyaal ah ay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga Ciidamada Jabuuti oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin Galbeedka Magaalada Beledweyne.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay xilli dambe la maqlay dhawaqa hoobiyeyaasha lagu weeraray Xerada Ciidamada Jabuuti oo ku taalla Suuqa Xoolaha ee Kaba laays ee Xafada Holwadaag ee Magaalada Beledweyne.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashaas oo la sheegay inay gaarayeen ilaa lix, kuwaas oo dadka Beleweyne qaarkood ay sheegeen inay dareemeen cabsi ballaaran.
Dhanka kale Ciidamada AMISOM dhankooda ay ku jawaabeen tiro hoobiyeyaal ah,kuwaas oo la sheegay in aysan geysan wax khasaaro ah,waxaana xigay howlgal ay sameeyeen Ciidamada Jabuuti oo ka tirsan AMISOM.