Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxay ku yeelanayaan kulankoodii Caadiga ahaa Xarunta Villa Hargeysa ,kaas oo looga hadlayo arrimo hdowr ah.
Ajandayaasha Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxay kala yihiin Akhrinta 1aad ee Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ay wada galeen iyo Xeerka Astaynta Kuraasta Golaha Shacabka oo doodiisu bilaabaneyso.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu Maanta jiro kulanka Golaha Shacabka,isla markaana looga baahan yahay Xildhibaannada inay kasoo qeyb-galaan.
Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacbaka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay dood adag ka lahaayeen matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka, iyadoo ugu dambeyn Gobolka Banaadir u ansixiyay 13 Xubnood.