Gudoomiyaha Guddiga doorashada Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa Axaddii Baarlamaanka u soo bandhigtay laba qaab oo doorashada Soomaaliya u dhici karto, balse mid kasta wuxuu sababayaa dib u dhac.
Mid wuxuu suuragelinayaa in doorashada ay dhacdo bisha March ee 2021, midka kalena bisha August ee isla sannadkaas.
Sababaha dib u dhaca
“Ma sugayo – Baarlamaanka labadiisa aqal – illaa 2019-ka la gaaro ka dibna la fiiriyo ‘suuragal ma tahay in doorasho la qabto?’ haa iyo maya!”, ayuu yiri Maxamed Cusmaan Jawaari, sannadkii 2017-kii, xilligaas oo baarlamaanka uu weydiisanayay in ka hadalka doorashada iyo sida loo qabanayo xilli hore la sii billaabo si uusan dib u dhac u imaan.
Balse Xildhibaan Jawaari wuxuu xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iska casilay Bishii April ee 2018-kii, isagoo aan horey u dhaqaajin arrinta doorashada qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliya Xaliimo Yarey ayaa sheegtay: Baarlamaank “Illaa 2017-kii, waxaan la wadaageynay warbixinno. Afartii biloodba mar ayaan mar inan golaha shacabka hor tago ayaa qasab ah,” ayey tiri Xaliima Yarey.
“Waxaan siineynaa hadba meesha ay shaqada mareyso, waxa aan qabanay iyo waxa inoo dhiman iyo caqabadaha na haysta”, ayey hadalka ku dartay.
“Hadda 2017-ka ah ayaan billaabeynaa, waxaana idiinka rabaa guddiyada in hadda aad gadaal-gadaal u soo xisaabtaan – ka soo billaaba 2020-ka – suurtagal ma tahay in arrimaha la iska doonayo aan suurtagelino 2020-ka; haddii MAYA ay tahay hadda ii sheega ka dibna baarlamaankaan geynaayaa xilliga xil-haynta xildhibaannada ayaan dheereynaayaan”, ayuu yiri Jawaari
Xaliimo Yarey waxay qabtaa in “Caqabadaha ugu waaweyn uu ka mid ahaa sharciga doorashada. Waad ogtahay hadduusan sharcigaas jirin; doorasho ma jirto, sababtoo ah doorasha oo dhan shuruuc ayaa kala haga”.
“Illaa xilligaas waxaan sheegeynay in June 2018 in aan helno sharciga si an doorashada November (2020) aan u qabano; Tubta loo dhan yahay ee golaha wasiirradana waa lagu ansixiyay”.
“Doorashada waa sisilado is daba yaalla. Howlo badan ayaa ka sokeeya. Si howlahaas loo qabto waa in sharcigii la helo,” sida ay sheegtay Xaliimo.
Jawaari wuxuu 2017-kii ka digayay dib u dhac iyo muddo kororsi wuxuuna yiri: “Illaa ay ka suurga gasho hal-qof iyo hal-cod. Ma yeeleyno in marka la gaaro 2019-ka aad na dhahdaan ‘Jwaari waxaad dooneysaan in aad cumri-dheereysataan. Maya cumri dheereysi ma ahan ee waa arrin qaran”.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri: “Lagama sugeyn marna muddo kordhin iyo abuurid mugdi siyaaseed oo hor leh in dalka uu guddiigii madaxa bannaanaa ee dastuuriga ahaa oo umadda Soomaaliyeed kalsoonida ay siisay in ay baarlamaanka la hor yimaadaan.”
“Ma dhicin taas”
Xaliimo Yarey, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliya ayaa tiri: “Waa soo jiitannay illaa ugu dambeyntii heshiiskii beesha caalamka iyo dowladdu wada galeen ee dowladda ay wax qabadkeeda ku cadeyneysay, waxaa ku qornaa in December 2018-ka uu sharciga (doorashada) soo baxayo iyo sharcigii xisbiyadana ee dib u eegis lagu sameynayo oo laba qodob oo muhiim ah wax laga dhihi lahaa”.
Waxay hadalka ku dartay: “Ma dhicin taas. Waan soo jiitannay, maanta, sharcigii oo baarlamaanka uu ansixiyay, madaxweynahana uu saxiixay, qodobbaa la rabay in laga soo toosiyo si xaaladda maanta taagan loola jaan qaado, marka qodobbadii xita ma dhameystirno oo ma hayno”.
“Haddii aan July (2020) heli wayno wuu sii durkaayaa wakhtiga. Laakiin sharciga oo qodobbadiisa ay dhameystiran yihiin haddaan July helno, waxaan doorashada ku qaban karnaa laba nooc oo diiwaan gelin”, ayey u sheegtay BBC Somali.
Noocyada doorasho ee suuragalka ah
Xaliimo Yarey ayaa soo bandhigtay laba nooc oo ay u dhici karto doorashada soo socoto, iyadoo sheegtay in nooca ku xusan sharciga doorashooyiinka ee dhawaan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid wakhti iyo kharash badan u baahan.
“Middka koobaad waa in dadka la diiwaan geliyo oo sawirro laga qaado. Qofkii laba jeer ama seddax jeer is diiwaangeliyayna la raadiyo; markii nadiif laga dhigo ka dibna dadka kaararka loo qeybiyo ka dibna codeynta la qabto. Kaas waqtigiisu wuu dheeryahay, illaa August 2021-ka ayaan qaban karnaa”, ayey tiri, iyadoo BBC News Somali la hadleysay.
“Hannaankaas wuxuu u baahan yahay qarash gaaraya illaa $69 milyan. Wuxuu leeyahay wanaag iyo cillado, waana u kala dhignay.
In la soo iibiyo qalabka diiwangalinta codbixiyaha
In hay’adaha amniga xaqiijiyaan xarumaha lagu diiwangalin karo codbixiyaha ee la sugi karo amnigooda.
In la fuliyo wacyigelin balaaran si dadwaynuhu uga qaybgalaan is diiwaangalinta
In la geeyo qalabka iyo shaqaalaha diiwangalinta xarumaha diiwaangalinta.
In la diiwaangeliyo codbixiyaasha xaqa u leh codaynta.
Soo saaridda liiska codbixiyaha ee rasmiga.
Qaybinta kaarka aqoonsiga codbixiyaha
Diiwangalinta Rasmiga ah ee Xisbiyada Siyaasadda
Diiwaangalinta Musharixiinta xildhibaannada.
Ololaha Doorashada Xisbiyada.
Qabashada Doorashada (maalinta codbixinta)
“Midka kale waxaa waaye; in maalinta codeynta uu qofka imaado isagoo aan horey loo diiwaan gelin – ka dibna magaca ayaa laga qorayaa warqaddii codeyntaa la siinayaa, qadna farta baa loo gelinayaa, sidaas ayuuna ku codeynayaa. Kaasna waxaa ku baxaya qarash gaaraya $45 milyan”.
“Labadaba waxaan u baahannahay in sharcigooda aan haysano illaa bisha July (ee sannadkan),” ayey hadalka ku dartay.
“Dowladdana waxay bixisaa $3 milyan oo sannadkasta ah oo loogu talagalay mushaarka iyo howlaha kale (ee guddiga doorashada) uu qabanayo”.
“Dowladda (qarashka doorashada) waxaa kaga soo aaday $7 milyan oo loogu talagalay shaqaalaha aan joogtada ahayn ee ku meelgaarka ah ee maalmahaas shaqeynaya mushaarkooda”.
“Lacagtaas golaha wasiirada way soo ansixiyeen, wuxuuna hor yaallaa baarlamaanka, waana fileynaa in ay ansixiyaan. Lacagtaas waxay ku jirtaa miisaaniyadda dowladda.
“lacagtaas $7 milyan ah hadeysan dowladda bixin doorasho ma dheceyso, sababtoo ah dadkii ka shaqeyn lahaa doorashada ayaa la siinayaa”