Ciidamadii ugu badnaa oo isugu jira Booliska, Nabad sugid iyo Milateri ayaa la dhigay magaalada Muqdisho iyo deganada ku xeeran ee duleedyada caasimadda si loo sugo amniga Madaxweynaha oo maanta dib u furaya Garoonka weyn Ciyaaraha Muqdisho.
Ciidamad ugu badan ayaa la geeyay degooyinka Yaaqshiid, Wardhiigley, Deyniile iyo degaanada laga soo galo caasimada ee kaabiga ku haya gobollada Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe, iyadoo la joojiyey isugu socodka dadka iyo gaadiidka soo galaya caasimadd. Waxaa sidoo kale la xiray wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta xariga ka jaraya dayactirka garoonka Stadio Muqdisho oo ciyaar saaxiibtinimo markii ugu horeysay in muddo ah ku dhex mari doono laba kooxood.
Waxaa garoonka la isugu geeyay dadweyne laga kala keenay degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana si weyn loo baarayaa dadka tegaya garoonka iyadoo amniga si weyn loo sugayo.
Dhinac kale waxaa maanta dib loo furay xarumo dayactir iyo rinjiyeyn lagu sameeyay sida Xarunta Degmada Yaaqshiid, Wasaaradaha Ganacsiga iyo Boostada, Xabsiga Dhexe, Xarumaha degmooyinka Xamar Jajab, waxaana furay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.
Madaxeynaah ayaa la filayay inuu Berri oo ku beegan 1-da July dib u furo dib u dhiska lagu sameeyay Garoonka weyn ee Muqdisho, laakiin waxaa lasoo hormariyey hal maalin.