Magaalada Muqdisho waxaa ka socota diyaargarowga munaasabadda 60-sano guurada kasoo wareegtay madax banaanida koofurta oo isticmaarsanayay Gumeystihii Talyaaniga ahna israacii Waqooyi iyo Koofurta Soomaaliya.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalaya Madaxda Dowladda, Wasiiro, Xildhibaanno, Senataro, Siyaasiyiin iyo waayo joog hore oo lagu martiqaaday ka qaybgalka dabbaaldega 60-sano guurada Xornimada Koofurta dalka.
Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jara goobo dib u dhis oo ay kamid tahay Garoonka Cayaaraha ee Muqdisho, waxaana xalay tagay xubno katirsan Guddiga Todobaadka Xorriyadda.
Xubnahaan oo ka kooban dhowr qayb ayaa kormeer hubin ah ku sameeyay Garoonka Cayaaraha Muqdisho oo bartimihii bishaan tageen, waxaana qorshuhu uu yahay in munaasabado kooban lagu qabto laguna daah furo kulan Cayaareed.
Guddiga qaban qaabada Todobaadka Xorriyadda ayaa diyaariyay xarumo iyo goobo uu ubax dhigayo Madaxweynaha DFS si loo xusuusto dadkii u halgamay madax banaanida Soomaaliya oo muddo isticmaarsanayay.
Caawa saqda dhexe 12:00AM, Munaasabadda calan saarka waxaa ka qaybgalaya Mas’uuliyiin katirsan DFS oo uu kamid yahay madaxweyne Farmaajo, si lamid ah xafladdii lagu muujiyay xornimada gobolada Waqooyi ee 26-kii juun.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu 26-kii Juun sheegay in dalka uu galayo xaalad doorasho, dib u heshiisiin, Midnimo iyo horumar dhan waliba ka kooban sida dhismaha dalka iyo hagaajinta hay’adaha dowladda.
Garoonka Cayaaraha ee Muqdisho oo ka kooban Qaybta lagu dheelo kubadda Cagta oo taageerayaal badan marti gelin karta, Kubadda Kolayga, Cayaaraha fudud, Dabaasha iyo Hoteelka Ciyaartoyda.
Kaliya waxaa dib u dhis lagu sameeyay Garoonka Kubadda Cagta oo la dhigay Roog (Cowska Macmalka ah), qolalka labista, nashada qaybta u gaarka ah madaxda ee VIP-da iyo Warbaahinta oo la dhisay.
Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaah Farmaajo ayaa munaasabadda 26-ka Juun awgeed xarig jar ku sameeyay Tiyaatarka Qaranka, Xaruntii Baarlamaanka iyo goobo kale oo Madaxtooyada ah oo dib u dhis lagu sameeyay.