Dhismaha Xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo dib u dhis lagu sameeyay ayaa maanta xarigga laga jaray, waxaana munaasabadda ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo Dowladda katirsan.
Xubnihii madasha ka hadashay waxa ay sheegeen muhiimadda ay leedahay Wasaaraddaan iyo heerarki kala duwanaa loosoo maray dib u howlgalinteeda oo gacan ka geysatay Dowladda Talyaaniga.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Eng Cabdullaahi Cali Xasan ayaa madasha ka sheegay in loo baahnaa dib u hagaajinta xarunta Wasaaradda maadaama muddo dheer aan dib u dayactir lagu sameyn.
Wasaaradda Maaliyadda, Dowladda Talyaaniga iyo Cid waliba oo gacan ka geysatay howshaan waxa uu ugu mahad celiyay kaalinta ay ku lahayd oo uu tilmaamay in keydka xusuusta gali doonto sida uu hadalka u dhigay.
Dhismo ay leeyihiin Wasaarado katirsan Xukuumadda Soomalaiya ayaa dib udhis lagu sameeyay si loo howlgaliyo howlwadeenada aan heysan xafiisyo iyo dhismo u gaar ah, waana tan keentay in wasaarad walba ay ku dhaqaaqdo howshaas.