Gudoomiyaha Xisbi Siyaasadeedka Midnimada Shacabka C/weli Yuusuf Cumar Ayaa waxa uu ka hadlay Xaalada Siyaasada Dalka iyo Marxalada Kala guurka ee lagu jiro.
Waxa uu sheegay in Dacwad geeyeen Xisbiyada Mucaaradka ah Maxkamada Sare islamarkaana ay fureen Gal dacwadeedkaasi.
Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Soomaaliya ayey Xisbiyadu sheegeen inay ka gudbiyeen maadaama la jebiyey Sharcigii Labada Aqal Baarlamaanka soo gudbiyeen.
Hanaanka Xisbiyada Badan Ee Doorashada Dalka lagu geli lahaa ayaa la leeyahay waa la laalay islamarkaana Nidaamka Beelaha la sheegay in la isku soo dooran doono.
Gudoomiye C/weli Yuusuf Cumar waxa uu soo dhaweeyey hadalkii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre Isbuucii hore shaaciyey in doorashada xilligeeda la qaban doono.