Diyaarad siday gargaar oo ay soo dirtay Dowladda Jabuuti ayaa soo gaartay Magaalada Beledweyne, gargaarkani oo loogu talo Galay In lagu caawiyo Dadka Jilicsan ee ay saameysay Fafahaada Beledweyne.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan oo gar gaarkani kula wareegay Garoonka Ugaas Khaliif ayaa ka mahadceliyay garab istaaga Shacabka Iyo Dowladda Jibuuti, waxaana Madaxweynaha Jibuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Dowladiisa uu ka codsaday in ay ka gacan siiyaan Helista Gaadiidka Birta culus sida baalayaasha, Cagafta, iyo gaadiidka kale ee la halmaala islamarkaana loo adeegsado Biyo xireenka.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi oo Kulan la qaatay, Saraakiisha Gar gaarkani soo gaarsiiyay Beledweyne ayaa ka mahadceliyay garab istaaga had iyo jeer Ay la garab taaganyihiin Guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan reer Hirshabelle.