Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa maanta shaaca ka qaadday inay gacanta ku hayaan Dad ku eedeysan ganacsi sharci darro ah sida dhuxusha iyo duur-joogta Soomaaliyeed.
Suleymaan Maxamed Maxamuud ,Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka oo maanta suxufiyiinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay dadka ay baaritaanka ku wadaan in ay ku eedeysan yihiin dambiyada deegaanka oo ay ugu horreyso Jarista dhirta, gubidda dhirta, ka ganacsiga iyo dhoofinta Dhuxusha , ka ganacsiga iyo dhoofinta Duurjoogta iyo kalluumaysiga sharci darrada ah.
“Xafiiska wuxuu xog horudhac ah ku hayaa in eedeysanayaasha qaarkood ay ku suganyihiin dalka, halka kuwa kalana ay joogaan waddamada dariska ah iyo waddamada Carabta oo ah meesha loo dhoofiyo dhuxusha, kuwaaso ah shabakad isku xiran oo ganacsiyo kale ku dhex qarinaya dambigan.” ayuu yiri Suleymaan.
“Xafiiska wuxuu la socdaa faa’iidooyinka laga sameeyo falalkaa sharci darrada in qaarkood ay gacanta u galaan argagixisada , argagixisadana ay qayb ka tahay suuqa ganacsiga dhuxusha” ayuu ku daray.
“Marnaba ma aqbalayno ka ganacsiga sharci darada ah” ayuu sheegay suxufiyiinta.
Wuxuu uga digay ganacsatada inay ku dhaqaaqaan falalkan oo dhibaato ku ah dalka,sida uu sheegay isagoo inta ku daray in marka baaritaannada kiisaskan la soo dhammaystiro maxkamad la horgeyn doono dadka ku eedeysan kiisaaskan oo u sheegay in lagu dabajiro.
Dhnaka kale Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed wuxuu sheegay in ay gacanta ku hayaan dad ku eedeysan dabuulka iyo ka ganacsiga dadka, oo ay xilligan gacanta ku hayaan baasabooro iyo dukumintiyo been abuur ah, arrintaa oo uu sheegay inay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin dowladeed oo xilal kala duwan ka haya dowladda.