Ibnu Aadamka maalin kasta saddax khasaaro ayaa ku dhacdo mana ogaado.
1.Maalin kasta Cumrigiisu waa sii naaqusaa, Laxawna kuma heeyso Maalintaa ka naaqustay Cumriga. Laakin haddii Maalkiisu naaquso Laxaw ayuu ku hayaa.
Maalka naaqusay waa suura gal in la soo celiyo,Laakin Maalinta naaqustay lama soo celin karo.
2. Maalin kasta,waxa uu cunaa Risqigii Alla u qoray, Hadduu Xalaal yahay waxbaa laga weeydiinaa,hadduu xaaraan yahay waa loo ciqaabayaa.Kamana walwalsano,Ciqaabta iyo xisaabta.
3. Gumriga laguu qoray ayaa sii naaqusaa, Maalin kasta Aakhiraad ku sii dhawaanee, waxaana ka sii fogaanaa Aduunyo. sidaa oo ey tahay uma muuqato inta yar ee u hartay, waxa uu ku mashquulaa waqtigii uu soo maray ee ka tagay. ma ogi halka uu ku socdo Janno iyo Naar.
Aduunyo waa shalay oo aan soo noqoneeyn. Maanta oo aan waareeyn. iyo Berri oo aan la aqoon sida ey noqonee.
Soonkeena Alla hanaga Aqbalo, Leylatul qadrigana Alla hana waafajiyo, Khaatumadana Alla hanoo suubiyo Dhamaanteen. Aamiin.
Qore: Yahya Amir