Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Warbaahinta hadal siiyay wuxuu ka hadlay Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyo dib u dhaca mar kale ku yimid dhageysigeeda.
Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka aysan soo bandhigin Caddeymo muujinaya in diidmada Dowladda ee la xiriirta in dib loo dhigo dacwadda, maadaama saddex jeer dalab Kenya ka yimid loo baajiyay go’aanka ICJ.
“Kaliya Dowladdeena waxa aan ka heynaa inay sheegtay inaysan raalli ka ahayn dib u dhigista dacwadda, balse Madaxda Dowladda kama heyno caddeymo ay soo bandhigeen oo ay la wadaageen Shacabka si loogu qanco, waxaan isleeyahay heshiis labada Dowladood ayaa dib u dhigista sabab u ah” Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sababta Dowladiisa ay dacwadda ugu gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee ICJ sidii xal nabadeed loogu dhameyn lahaa muranka labada Dowladood.
Madaxda Dowladda waxa uu ku dhaliilay in ay xil wareejin ku sameysay shaqsiyaadkii Dowladda hormuudka ugu ahaa Dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya, sida Danjirihii Midowga Yurub Cali Siciid Faqi oo noqday Guddoomiyaha Golaha Wakiilada KGS iyo Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka oo xilka laga qaaday.
“Dacwadda oo taagan ma xumaan xiriirka labada Dowladood, balse maanta weynu ognahay halka uu joogo, Madaxweynaha Kenya ayaa dalkeena soo booqday, Shirkii IGAD oo dalka laga qabtay ayuu ka qaybgalay, Qadiyarado badan oo heer gobol ama heer caalami ah ayay ku garab istaagtay Soomaaliya” ayuu yir Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Dacwadda Badda Soomaaliya waxaa la gudbiyay sanadkii 2014-kii, xiligaas Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay sheegtay in go’aankaas ay u qaadatay si xal caalami ah loogu dhameeyo kiiska.