Amina waa ilmihii ugu yaraa ee ka badbaaday weerarkii lagu qaaday isbitaal ku yaala dalka Afghanistan.
Laba mar ayaa Amina lugta laga dhawaacay, dhakhaatiirtana waxay sheegeen inay nasiib badantahay maadama uu dhaawac culus soo gaaray.
Aabaha dhalay ilmahan ayaa sheegay inuu goobjoog ahaa xilligii uu weerarkan dhacayay.
“Markaan galay gudaha isbitaalka waxaan arkay dad badan oo dhulka jiifa oo ay ka mid tahay haweenay weyn oo la dhaawacay.” Ayuu yiri aabaha dhalay Amina.
Amina hooyadeed ayaa waxay ku geeriyootay isla weerarkaas.
“Waxaan arkay xaaskayga oo gacmaheeda u taaganyihiin sida ayada oo ilmaheeda gacanta ku hayso.” Ayuu ku daray.
“Aniga oo xaaskayga duugaya ayaa la igu yiri ilmahaada lugaha ayaa laga goynayaa ayey dhakhaatiirta igu dhaheen.”
Talaadadii lasoo dhaafay, ugu yaraan 24 qof, oo ay ku jiraan carruur markaas dhalatay, hooyooyin iyo kalkaaliyaal, ayaa si arxan darro ah loogu laayay weerar ay koox mintidiin ah ka fuliyeen isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee ku yaalla magaalada Kabul ee caasimadda u ah dalka Afghanistan.
Magaalada Kabul waxaa 40-kii sano ee lasoo dhaafay ka dhacay dagaallo badan iyo qalalaase.
Sidaa oo ay tahayna, dilkii loo geystay hooyooyinka iyo carruurta waxaa lagu tilmaamay qalalaasihii ugu xumaa ee la xasuusto.
Xigasho:BBCSomali