Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Soomaaliya Sidiiq Xersi Warfaa ayaa waxa uu maanta kulan la qaatay Xubno katirsan Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA WASIIR SIDIIQ WARFAA
Waxaan maanta qaabbilay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Drs. Amina Saciid. Kullanka wuxuu la xiriiray sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
Dadaallada aan diiradda saarayno, waa sidii ay Bulshada Soomaaliyeed ee ka soo barakacaya dalka dibadiisa iyo kuwa gudaha ku barakacaya ay taageerro joogto ah oo la isku halayn karo iyo dib u dejin uga heli lahaayeen Dowladda. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxaa ay hadda ka shaqeynaysa sidii Shaqo Abuurka loogu heli lahaa barakacayaasha, loona siin lahaa Daryeel.