Waxaan Xogo hoos kuhelnay in uu socdo Qorshe Xilka looga xayuubinayo Gudoomiyaha Degmada Balad Xaawo Axmed Barre oo Xilka hayo wax kayar sadax Bilood, kaa oo lagu wado in lagu badalo Gudoomiye Cusub oo ay Balad xaawo yeelan doonto maalmaha nagu soo aadan.
Xogtaan oo ah mid Sugan oo xaqiiq ah oo aan kasoo helay Ilo kala duwan ayaa noqonayso hadii lashaaciyo maalmaha nagu soo aadan sida wax lagu wado in Balad Xaawo ay sadax Gudoomiye yeelato waxkayar mudo Sadax Bilood ah.
Axmed Bare oo ah Gudoomiyaha Balad xaawo ayaa xilkaasi loodhiibay 23 Bishii sadexaad ee Maarso 2020, wuxuuna tan iyo markii lamagacaabay Buuq iyo mucaarado badan kala kulmayay Siyaasiyiin iyo Ganacsato kasoo jeedo Beesha uu isaga kadhashay oo magacaabistiisa aanan Raali ka ahayn.