Muqdisho:-Maanta oo ay taariikhdu tahay 3-da bisha May waxay ku asteysan yahay maalinta xorriyadda saxaafadda Adduunka, waxana jira caqabado badan oo ay wajahayaan saxafiyiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo uga imaanaya dhinacyada siyaasadda Soomaaliya kuwooda arrimiya.
Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan waxa uu soo saray war-saxaafadeed uu baaq ugu suxufiyiinta Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyey inay awood u yeeshaan gudashada shaqadooda si xor ah.
“Warbaahintu dowr muhiim ah ayey ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed, laga bilaabo soo tebinta jawiga siyaasadeed ilaa u hadalka iyo cod siinta dadka nugul iyo kuwa la faquuqo. weriyaashu waxay u baahan yihiin inay awood u yeeshaan sidii howlohooda muhiimka ah ay ugu gudan lahaayeen si xor ah oo ka madaxbanaan rabshado, kadeed, xarig, cadaadin, cabsi-gelin iyo faafreebid,” ayuu yiri James Swan.
“Xiligan Soomaaliya waxay isku diyaarineysaa doorashooyinkeeda qaran oo ‘qof-iyo-cod’ ah. Tani waa munaasabad taariikhi ah oo u baahan waax warbaahineed oo firfircoon, xor ah oo bed-qabta, taas oo awood u leh inay wararka usoo tabiso si cabsi la’aan iyo eex la’aan ah,” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Sidoo kale waxa uu qoralkan ku sheegay wakiilku in dalka uu si aad ah u saameeyey xanuunka saf-mareenka ah ee COVID-19, isla markaana baahi badan loo qabo in warbaahintu soo tebiso warar sugan oo waqtigooda kusoo beegma sidoo kalena ay door firfircoon ka qaadan karto wacyi gelinta, taas badbaadin kara nolosha dadka.
Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka waxaa looga dan leeyahay in lagu xuso laguna difaaco mabaadi’da asaasiga ah ee xorriyadda saxaafadda. Waxaa la xusaa sanad kasta 3-da May.
Baaqa Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka, oo Soomaaliya ay saxiixday, ayaa dhigaya in xorriyadda hadalka ay tahay xuquuq aadane oo asaasi ah.
Waxaa jirta caburin, caga jugleyn iyo dhibaatooyin kale saxafiyiin Soomaaliyeed loogu geystay gudaha dalka sanadihii u dambeeyey.
Hey’adda u doodo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa warbixin ay kasoo saartay maalintan ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay laba jibaartay tacadiyada ka dhan ah weriyaasha ka madaxa banaan, xilli uu dalka wajahayo xaaladaha adag ee la dagaalanka Coronavirus.
Hey’adda ayaa sheegay tan iyo bartimihii bishii tagtay ee April in dowladdu ay xirtay illaa seddax weriye oo lagu eedeeyay dembiyo kala duwan, iyadoona mid kamid ah idaacadaha maxaliga ah laga mamnuucay lahjad ka bixi jirtay.