Raggu marka ey guursadaan kadib, waxa ey sii wataan, Ciyaarihii ey ciyaari jireen markii ey Doobka ahaayeen, sida: Jarta, Waalada, Tartanka, Bootinta iyo kuwa kale.
Haweenku markii ey guursadaan kadib waxaa Ceeb looga dhigaa in ey Xasuus ciyaaraan, Ciyaarihii caruurnimadooda. Sida Xarig ka bood, Caasha carab dheer cirka noodaay, Dhul ku kab – kab- leeyn iyo kuwa kale. ( F.S: 1, 2 & 3aad)
Bani Aadambka ayeey dabeecadiisa ka mid tahay in uu xasuusto farxadii yaraantiisa, u ogolaaw in ey Adiga ama Gabdhihii Saaxiibadeed ahaa la Xasuus Ciyaarto.
Ciyaarta waad u diidee, haddana waxaad leedahay, ( Naagu waa Caruur Caga weyn ) haddiiba waa Caruur aad leedahay, maxaad ugu diidee Ciyaarta?.
ogoow, Sunnaddii Rusushii Alla noo soo diray ayeey ka mid aheyd in ey Haweenkooda la Ciyaaraan ama la Tartamaan.
Iska jirhee, tartiib ula ciyaar, Annigaa Bacdal AF Fur inta la tartamay, ayaa jilibka ! aaaaaa. Taraawiixdiina waa i Sugee.
FG: Carririga Badanu waa Caburin, Ciyaaraha Qaarna waa Caafimaad. Ha hilmaamin Sunnaddii Rususha iyo Farxadda Qooyska, waa iga Talo.
Qore: Yahya Amir.