Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Guddoomiyihii waaxda Halgan ee Degmada Dayniile oo lagu magacyo Abduqaadir Fooldib ay dishay xaaskiisa oo dilkiisa u adeegsatay tooray ama Midi.
Qaar kamid ah dadka ku nool Dayniile Dadka ayaa sheegay dilkaan uu yimid kadib markii xaaskiisu ka carootay booqasho marxuumka uu ugu tagay Xaas hore uu u furay ama ay kala tageen iyo caruurtiisa, taas oo salka ku haysa hinaaso ama masayr.
dhaawac culus oo ka soo gaaray Tooreey ay ku dhufatay xaaskiisa ayaa la dhigay isbitaalka Digfeer, halkaasi oo uu dhaawacii soo gaaray ugu geeriyooday.
Naagta ama Haweeyneedii dilka geesatay ayaa ka baxsatay goobta waxaana halkaasi howlgalo lagu baadi goobayo ka bilaabay ciidanka Booliska degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Maamulka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir iyo Laamaha amaanka Soomaaliya wali kama hadlin dhacdadaan lagu dilay Guddoomiyihii waaxda Halgan ee Degmada Dayniile Abduqaadir Fooldib.
De Ahmed Mooge