Dowladda Soomaaliya ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya u Magacowday Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo horay u soo noqday Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Hilaal ayaa sheegay in Maxamed Xaashi Cabdi Carabey la isku raacay in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.
“Waxaan si diiran u soo dhawaynaynaa una hambalyayneynaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta JFS Mudane Maxamed Xaashi Carabeey” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaradda Batroolka.
Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Batroolka ayaa horay isku casilay ka dib markii Khilaaf uu soo gala dhex galay Wasiirka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya.