Guddiga ka hortagga iyo la-tacaalida Cudurka Coronavirus u qaabislan Soomaaliland ayaa waxaa ay soo saareen Go’aano ku saabsan ka hortagga Cudurka, iyaga oo sidoo kale xoojiyay Go’aanadii horay u soo baxay.
Qoraal kasoo baxay guddiga oo hal Bog ka kooban ayaa lagu xoojiyay Go’aamadii la xiriiray ka hortagga Cudurka,sida Masaajida, duulimaadyada Imaanaya iyo kuwa ka baxaya deegaannada Soomaaliland, Garoomada lagu Ciyaaro, Goobaha Ganacsiga iyo Shaqada iyo sidoo kale Goobaha isku imaatinka.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddiga ka hortagga COVID-19 ee Soomaaliland.