Sir Culus oo aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in Sirdoonka Soomaaliya NISA oo gacan ka helaya dhigooda Ethiopia ay ka bilaabeen dhaqdhaqaaq sirdoon gudaha Somaliland.
NISA oo bartilmaameedkeedu yahay Iska hor keenida qabaa’ilada, Siyaasiinta, Odayaashada Dhaqanka, & Ururada Bulshada , taasoo loogu gonleeyahay in cadaadis lagu saaro Madaxweynaha Somaliland inuu ogolaado booqashada Madaxweyne Farmaajo ku tagaayo Hargeysa.
Ilaha aan xogtaan ka helnay waxaay no xaqiijiyeen ilaa iyo hada in lagu guuleestay odayaasha dhaqanka iska horkeenka odayaasha dhaqanka iyo maamulka Somalilad, kuwaaso qaatay lacago ay bixisay dowladda Qatar.
Waa marka ugu horeeysay Sirdoonada Soomaaliya & Ethiopia ay iska kaashadaan dibin daabyada lagu sameeynayo maamulka Somaliland.
Sidu uu talada dalka u qabsaday Madaxweyne Farmaajo ayaa looga bartay burburinta maamulada dhisan iyadoo la adeegsanayo lacag & Awooda Ciidanka Qalabka sida.
Lama ogo arrintaas sida ay uga falcelinayaan Sirdoonka Somaliland mar hadii laga dhax adeeganayo gudaheeda.