Qarax ayaa Caawa Fiidkii waxa uu ka dhacay Degmada Warta Nabada Ee Magaalada Muqdisho iyadoo warar dheeraad ah kasoo baxayaan weerarkaasi.
Dad goob joogayaal ah ayaa inoo sheegay in qaraxa uu ka dhacay Agagaarka Isgooyska Cali Kamiin ee Magaalada Muqdisho, rasaas ayaana la maqlay Qaraxa kadib.
Ciidamo katirsan Kuwa Dawlada ayaa lagu beegsaday,iyadoo aan la sheegin khasaaraha inta uu la eg yahay.
Amniga Caasimada ayaa sii xumaanayey muddooyinkii dambe iyadoo weerarada Qaraxyada Bambaanooyinka iyo Dilalka ay soo kordheen Muddooyinkii lasoo dhaafay.