Inta badan Bulshadii lacagaha u tiilay Bankiga Salaam Somali Bank, ayaa la baxay lacagahoodii lixdii bilood ee la soo dhaafay, sida Badweyn.com ay u xaqiijiyeen qaar ka mid dadkii lacagaha u yaalay Bankiga ee lacagahoodii qaatay.
Sababta ugu wayn ee dadka lacagahoodii ay ugala baxeen Bankiga Salam Somali Bank, ayaa noqotay kadib markii Koonfurta Somaliya si wayn uu Suuq uga yeeshay Suuqa Sarifka Lacagaha Qalaad ee Forex, dadkana ay ku xoomeen goobo kala duwan oo Shirkado ah oo lacagahoodii ay dhigteen.
Siciid Xasan oo ka mid ah dadkii lacagaha u yaalay Bankiga Salam Somali Bank, ayaa sheegay inuu la baxay lacagtii u tiilay Bankigaasi, islamarkaana uu ku darsaday xarun Forex oo ku taallo Muqdisho, halkaasi oo ay lacagtiisa u shaqeyso Bishiina faa’iido uu ka helo.
“Lacagta Bankiga way iska taali jirtay anigana faa’iido kuma qabin, laakiin qolada Bankiga Salam ayaa faa’iido ku qabay oo adeegsan jiray, laakiin Forex markii ay timid waan la baxay lacagteydii bil kastana faa’iido ayaa iiga soo xaroota.” Ayuu yiri Shaqsigaan ka tirsanaa Macaamiisha Salam Somali Bank.
Lixdii bilood ee la soo dhaafay Bankiyada ku yaallo Muqdisho waxaa ku dhacay lacag la’aan xoog leh, kadib markii uu saameyn adag ku yeeshay Suuqa Sarifka Lacagaha Qalaad ee Forex, maadaama badi dadkii lacagaha u yaallay Bankiyada ay la soo baxeen oo goobaha Forex ay ku darsadeen, taasi oo keentay in Bankiyada lacag la’aan ay noqdaan.
Muddooyinkii dambe waxaa jirtay hadal haynta ah in Bankiyada aysan hayn lacago badan, maadaama Bulshada Muqdisho & Gobolada dalka ku nool 80% ay lacagahoodii ku darsadeen Suuqyada Forex.
Ustaad Siciid oo ka mid ah Macalimiinta Cilmiga Dhaqaalaha Bartay ee mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho wax ka dhiga ayaa sheegay inay tahay tallaabo wanaagsan dadka inay lacagahooda kala baxaan Bankiyada, maadaama Bankiga uu lacagta si gaar ah ugu shaqeysanaayo, iyadoo macmiilka lacagta dhigtayna uusan heleyn wax faa’iido ah, balse Suuqa Forex dadka ay ka helayaan faa’iido.
“Waxaan dhiiragelinayaa tallaabada dadka lacagahooda ay ugala baxeen Bankiyada, sababtoo ah Bankiga lacagta inay iska taallo isaga ayaa faa’iido ku qabo ee adiga faa’iido kuma qabtid, balse Forex inaad lacag ku darsatid adiga ayaa Faa’iido ku qaba oo Dhaqaale ayaa kaa soo galaya.”