Ilo Xog ogaal ah kana ag dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in suurta gal ay tahay xilka qaadis lagu sameeyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage.
Mr Odawaa ayaa waxaa uu salfan doonaa kadib Cabasho ka timid Ciidan kusugan Baardheere Gobolka Gedo oo la sheegay inay Ashtako soo gudbiyeen.
Ciidankani oo aan gaarin xilli ay xuquuqdooda udoodaan maadaama la sheegay inay weli tababar ku jiraan ayaa hadana Isbadel Dawladu rabtaa in ciidanka Qalabka sida ku sameyso.
Mar kasta Marxalado kala guur ah Dalka galo waxaa iska badata in xilalka la qaadayo iyo kuwa la magacaabayo ay bataan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka fekiraya inuu xilka ka qaado General Odawaa,inkastoo aan la ogeyn shakhsiga lagu badeli doono.