Dawlada Kenya ayaa waxaa la sheegay in dhawaan loo saxiixay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya,xilli weli Kiiskii Badda Ee Hore loogu muransanaa Xal laga gaarin.
Bisha Lixaad Ee Sanadkaan waxaala filayaa in la dhageysto Dacwadii ay Soomaaliya gudbisey sanado ka hor oo ay Kenya uga ashtakooneysay.
Maxkamada Cadaalada Heeg Ee Dalka Holland ayaa labo jeer ay dib udhigtay Dhageysiga Dacwadaas waxay sabab ka dhigtay in marka ugu dambeyso Bisha June 2020 loo qabtay in Qareenada Kenya yimaadaan.
Ilo madax banaan ayaa sheegaya in Badda Kismaayo iyo Deeganada Jubbaland ay marto qeyb ka mid ah Kenya Usaxiixeen Kenya,sida lagu arkay Warqadii Lagu heshiiyey.
Fanaanka Ilkacase Qeys oo ka mid ah dadka aadka utaageerayey Jubbaland ilaa Doorashadii Axmed Madoobe kusugnaa Kismaayo ayaa waxa uu ka mid yahay dadka aadka udhaleeceeyey Qorshaha Jubbaland iyo Badda ay Kenya usaxiixeen.
Baddi Somalia ALLAHA U Naxariisto Saaka Ayaan Indhahayga Ku Arkay Waraaqihii Lakala Saxiixday
Ma Waxaan Ku Mooday Mise Waxaad Noqotay..!!!!
Ilaa hadda ma jirto Dawlada Soomaaliya war kasoo baxay oo looga hadlayo Arintaan soo shaac baxday Ee Kenya Badda Soomaaliya qeyb ka mid ah Kala saxiixatay Jubbaland.
Waxaase Isweydiin leh,Sharci ahaan Jubbaland oo Dawlad Gobolleedka ah Ma saxiixi kartaa waxyaabo Masiiri ah oo Qaranka oo dhan talo iyo Tusaale in laga geliyo ubaahnaa?