Sida ay Xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxaa maanta is hortaag lagu sameeyey Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf.
Gudoomiye Baashe ayaa warar soo baxay maanta waxay sheegeen in shaqo joojin lagu sameeyey kadib Amar kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.
Maanta ayuu isku dayey inuu Xafiiskiisa tego Maxkamada Sare,balse Taliska Asluubta oo halkaas ilaaliya waxay war geliyeen inuusan amar uqabin gelitaanka Xafiiska.
Waxay taas sababtay sida la sheegay in Gudoomiye Baashe Yuusuf dib ugu laabtay Gurigiisa,waxaana la ogeyn go’aanka uu qaadan doono.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in loo heysto Garsoor uu sameeyey uuna si eex ah u maamulay,iyadoo Lacago uu lunsaday sidoo kale eedeeda uu wajihi karo.
Khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir ayaana waxay sabab ka dhigtay in shaqo joojinta lagu sameeyo.