Sida uu ku daabacay Bartiisa gaarka ah ee internet-ka ayuu Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed (Africa) waxa uu shaaciyey in Cudurka Covid 19 Laga helo.
Qoraalkiisa ayuu ku muujiyey Caawa fiidkii in Cudurka inuu ku dhacay lala wadaagay isagoo maalmihii dambe isku karantiilayey gurigiisa.
Wariye Africa oo Si gaar ah ugu caan baxay Tebinta Barnaamijyada Al Shabaab Ku saabsan iyo GUNGAAR oo Sirdoonka Soomaaliya ay taxliilin ku sameeyaan.
Sidaas oo kale Wariye ushaqeeya Idaacada kulmiye oo lagu magacaabo Axmed Siciid Axmed ayaa Bahda Saxaafada waxay usoo jeediyeen inuu is karantiilo labo isbuuc ama 14 maalin maadaama maanta uu booqday Cusbitaal Martiini.