Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Cambaareeysay fal kufsi ah oo loogu geystay seddex carruur ah oo da’dooda kala tahay seddex jir, afar sano jir, iyo 7 jir degmooyinka Afgooye iyo Balanballe.
War-saxaafadeed ka soo baxey Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay inay si aad ah uga xun tahay kufsiga loo geystay seddex carruur ah ,isla markaana so xoogleh ay u cambaareyneyso falkaasi.
Hoos ka aqriso Warsaxaafadeedka:-