Post View....

Wasiirka Caafimaadka Puntland “Dadkii aan uga shakinay Fayruska Corona baaris ayaan ku sameynay waana ka weynay ..”

0
80

Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan oo Warbaahinta la hadlay waxa uu faah-faahin ka bixiyay natiijada kasoo baxday baaris caafimaad oo ay ku sameeyeen shaqsiyaad ay ku tuhmeen in ay qaadeen fayruska Corona.

Dr. Jaamac waxa uu sheegay in baarista caafimaad dhiigag ay ka qaadeen dadkaan geeyeen Magaalada Nairobi, kadib baaris lagu sameeyay lagu waayay covid-19, kaliya hal ruux oo dhiiggiisa ku maqan sheybaarka ay sugayaan jawaabtiisa.

Wasiir Jaamac waxa uu tilmaamay in haddii dadkii la tuhmayay laga waayay Coronavirus aysan ka dhigneen in Deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland ka caagan yahay cudurka, balse guddigooda ay sii laba laabi doonaan ol-olaha looga hortagayo.

Dadka waxa uu uga digay in ay fududeystaan cudurka, waxaana shacabka uu ka dalbaday in ay la socdaan had iyo jeer fariimaha wacyigelinta ah ee ay soo saarayaan guddiga u xilsaaran kahor tagga Coronavirus.

Maamulka Puntland wuxuu karaantiil geliyay in ka badan 20-ruux, waxaana laga qaaday dhiigaga la geeyay Sheybaar ku yaalla Magaalada Nairobi si loo xaqiijiyo in uu haleelay Coronavirus iyo in ay ka caafimaad qabaan.

About Author