Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay faah faahin ka bixisey duqeyn dhinaca cirka ah oo saacadihii la soo dhaafay laga fuliyey degmada Jilib ee gobolka Dhexe.
War kasoo baxey Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya Ciidanka Mareykanka ee Africom ayaa duqeyn kale ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Qoraalka Wasaaraadda ayaa waxaa lagu sheegay in lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab,xilli saacadihii la soo dhaafay warar soo baxayay ay sheegayeen in lagu diley dad rayid ah.
Duqeyntaan ka dhacdey degmada Jilib ayaa ah tii afaraad oo ciidanku ay wadajir u fuliyeen laga soo bilaabo bilowgii bishaan April,sida lagu sheegay War-Saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.