Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland oo muddo 2 Bilood ah uu tababar ku saabsan miino baarista uu uga socday Rugta ciidamada Madaxtooyada ee Garoowe.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey Ciidamada loo tababaray Miino Baarista, wuxuuna sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay in la helay Ciidamo u tababaran ka hortagga walxaha qarxa.
Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.
https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v6.0
Madaxweyne Ku-xigeenka DPL oo tababar usoo xiray Ciidamada Miino baarka Madaxtooyada
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Dawladda Puntland oo muddo 2 Bilood ah uu tababar ku saabsan miino baarista uu uga socday Rugta ciidamada Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe.
Posted by Puntland State TV on Tuesday, April 7, 2020