Baaxadda dhibaatada coronavirus ee Afrika, oo leh nidaamyada daryeelka caafimaad ee ugu liita adduunka oo aan awoodin in ay ka jawaabaan kiisaska qulqulaya, ayaa noqonaya mid marwalba keenaysa Walwal Caafimaad.
Ku dhawaad 10,000 oo kiis ayaa la xaqiijiyey qaaradda Afrika –waa hoos u dhac aad u weyn marka loo eego la’aanta qalabka baaritaanka – 376 qofna way u dhinteen xanuunka. Ugu yaraan 148 shaqaalaha caafimaadka ayaa la tijaabiyey waxaana laga helay Xanuunka taasi waxa ay sababtay walaaca laga qabo oo sii kordhaya.
Tedros Adhanom Ghebreyesus, xoghayaha guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa yiri, “Talada ugu wanaagsan ee Afrika waa in loo diyaar garoobo Xanuunka si gaar ah wadamada uu saameeyay,isla markaana maanta loo diyaar garoobo” -hayeeshee Dawladaha Afrika ayaa iska indhatiray Taladaan.
Hay’ada Caalamiga ah ee Amniga Caafimaadka ee Global Health Security (GHS), oo qiimeysa awoodda dalalka iyo u diyaarsanaanta wax ka qabashada halista Musiibooyinka iyo cudurada faafa, waxa ay daaha ka qaadday dowladaha Afrika aysan u diyaarsanayn ka hortaga Xanuunada Faafa intooda badan.
Warbixinteeda 2019 ayaa lagu sheegay, “Amniga qaarada asal ahaan waa ka daciif yahay adduunka oo dhan. Ma jiro waddan si buuxda ugu diyaarsan cudurrada faafa, waddan walbana wuxuu leeyahay fursado muhiim ah oo wax looga qabto. ”
“Kaliya 19 boqolkiiba ayaa wadamada Qaarada Afrika laga helay astaamaha ugu sareeya ee ogaanshaha iyo ka warbixinta” halista musiibooyinka, keliya “boqolkiiba 5 ee waddamada Afrika ayaa awooddooda in ay si deg deg ah uga jawaabaan yareynta faafidda Xanuunada.”
Isku celceliska guud ee natiijada GHS ee 195-ka dal ee la qiimeeyay waxa uu ahaa 40.2 marka loo eego 100. Waddamada ugu badan ee lagu qiimeeyo ‘kuwa aad ugu diyaarsana’ ayaa ku yaal qaaradda Afrika, halka Soomaaliya (16.6) iyo Guinea (16.2) ay ku qoran yihiin liiska meesha ugu hoosaysa.
Financial Times ayaa xustay in dawladaha Afrika ay celcelis ahaan sanadkii ku kacaan $ 12 qofkiiba marka loo eego caafimaadka marka la barbar dhigo $ 4,000 gudaha Boqortooyada Ingiriiska.
Koonfur Afrika, booliiska iyo militariga waxa ay isticmaaleen karbaash, rasaas caag ah iyo gaaska dadka ka ilmeysiisa si ay ugu kala eryaan dadka ku nool Hillbrow, xaafad ku taal magaalada Johannesburg dadaalka ay ugu jirto ka hortaga Covid-19.
Dalka Zimbabwe,Milatariga iyo booliiska ayaa kumanaan dad ah oo hoy la’aan ah ku qasbay waddooyinka waxayna ku xireen goobo banaan, garoomo iyo Iskuulo faaruq ah waa waxa kaliya ee ay awoodaan si ay u xakameeyaan faafitaanka Xanuunka.
Kristalina Georgieva, maareeyaha hay’ada lacagta ee IMF, waxa ay ku qiyaasaysa in wadamada u baahan karaan ugu badnaan $ 2.5 tirilyan oo taageero ah Suurtagalnimada qalalaasaha baahsan ee ka dhasha cuna yaraanta qaarada Afrika.