Mareykanka waxa uu kaalinta 1-aad ka galay dalalka laga helay kiisaska la xiriira fayruska Corona, waxaana laga diiwaangeliyay 324,052 dadka uu haleelay ah iyo dhimashada 9,267 ruux.
Waaxda la socodka Xayawaanada dalka Mareykanka ayaa xaqiijisay in markii ugu horeysay kiiska covid-19 ay ka heleen Shabeel 4-sano jir ah oo dhaddig ah laguna magacaabo Nadia.
Waxaa lagu hayaa Xarunta lagu xanaaneeyo Xayawaanada ee Bronx, sidoo kale waxaa xerada ku sugan 6-Xayawaan oo kale oo la tuhmayo in ay qaadeen fayruska Corona oo hadda kasii gudbaya aadanaha.
Calaamadaha lagu arkay waxaa kamid ah Qufac meel dheer ah dabayaaqadkii bishii ina dhaaftay, waxaana si gaar ah ula tacaalayay dhaqaatiirta oo markii dambe xaqiijiyay in Shabeelka Dhaddiga ah ee Nadia uu haleeyay Covid-19.
Paul Calle oo ah Madaxa Xarunta Xanaanada Xayawaanka Duur-joogta ah oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Reuters waxa uu sheegay in cudurka uu kasii tallaabayo aadanaha una gudbay Xayawaanada.
Xarumaha Cilmi baarista waxa uu ka dalbaday in ay si qoto dheer u baaraan sida uu Shabeelka u haleelay Fayruska Corona, maadaama Nadia ay tahay Xayawaankii ugu horeeyay ee cudurka laga helo.
Sidoo kale waxaa xanuunsan Walaasha Shabeelka Nadia oo lagu magacaabo Azul iyo Saddex libaax oo dhammaantood kasoo kabanaya xanuunka lasoo darsay sida ay sheegeen saraakiisha beerta xanaanada Xayawaanada.